Wararkii ugu dambeeyay kulanka u socdo Madaxweyne Deni iyo General Diyaano

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horeysay waxa uu galabta Magaalada Boosaaso kula kulmay Agaasimihii Ciidanka PSF-ta Puntland, General Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), tan iyo intii uu dagaalku ka dhacay magaaladaasi, bishii December.

Agaasimaha ayaa 24-kii bishii November si adag uga horyimid xil ka qaadis uu Madaxweyne Deni ku sameeyay, taasoo dhabaha u xaartay dagaalkii saddexda cisho ka socday Magaalada Boosaaso.

Kulanka oo haatanba ka socda Madaxtooyada Boosaaso ayaa waxaa Madaxweynaha iyo Agaasimahaba ku wehlinaya qaar ka mid ah Isimada Puntland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayo xaaladda guud ee Boosaaso, khilaafka ka dhashay xil ka qaadista uu Madaxweynuhu ku sameeyay Maxamuud Cismaan Diyaano iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya inaanu kulankan u muuqan mid isla xilliganba xal looga gaari doono khilaafka jira, balse uu u gogol xaarayo kulamo kale oo dhinacyadu isugu imaan doonaan, si horey wada hadalada loogu sii socod-siiyo, xal-na looga gaaro.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka qaarkii ay ka baqdin qabaan in wada hadaladu guuldareystaan, haddii dhinacyadu aanay wax tanaasul ahi muujin.

Kulanka galabta illaa caawa u socdo Madaxweyne Deni iyo General Diyaano ayaa waxaa ka horeeyay laba kulan oo kale, oo Madaxweynuhu uu Boosaaso kulla yeeshay Isimada Gobolka Bari.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com