Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa doonaya in mar kale uu difaacdo kursiga uu ku fadhiyo, oo tirsigiisu yahay #HOP063.
Kursigan ayaa ka mid ah kow iyo toban kursi oo Guddiga Doorashada Hirshabelle uu Sabtidii shaaciyay in doorashadoodu lagu qaban doono Beledweyne.
Xildhibaan Goodax ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee bulshadu ugu soo dhaweysay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif, isagoona yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Odayaasha Dhaqanka, haweenka, ciidanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, sida mugga iyo miisaanka leh ee aad iigu soo dhaweyseen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Waan wada joognaa maalmahaan, masiirkayna ayaana ka wada hadli doonnaa.”
Xildhibaan Goodax ayaa dhawaan sheegay in uu ka dagaalami doono in la musuq maasuqo kursiga ay beeshiisu leedahay, isla-markaana aan beesha dirqi looga dhigi karin cid aysan wadan amaba rabitaankeeda ahayn.
Beledweyne oo ay yaallaan 25 kursi ayaa waxaa illaa iyo hadda lagu doortay 12 kursi, waxaana weli harsan 13 kursi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com