Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray Magaalada Gaalkacyo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa Gaalkacyo u tegay arrimo la xiriira doorashada 11 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo taala magaaladaasi.

Mid ka mid ah kuraastan oo uu u taagnaa Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa waxaa ka dhashay khilaaf, ka dib markii la sheegay in qoondo dumar laga dhigay, taasoo Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ay ka biyo diideen.

General Indha-qarshe ayaa Talaadadii Magaalada Gaalkacyo ka sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu u diiday inuu u tartamo kursiga reerkiisa leeyahay ee #HOP020, isagoona Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiga Doorashooyinka ugu baaqay in la hakiyo doorashada kursigaasi, illaa iyo inta waddo caddaaladeed oo saxan la marsiinayo.

Kursigan ayaa ka mid ah illaa 6 kursi oo 5-ta bishan lagu wado in lagu doorto Magaalada Gaalkacyo, haddii aanu qorshuhu waxba iska bedelin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com