Lix ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta lagu doortay Magaalada Baydhabo, kuwaa oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.
Xildhibaanadan ayaa waxay dhammaantood ahaayeen rag, waxaana xusid mudan in inta badan kuraastaasi lagu tartamay.
Magacyada Xildhibaanada la doortay ayaa kala ah Aadan Maxamed Cali, Cabdullaahi Maxamed Cali, Axmed Sheekh Maxamed Laxoos (Axmed Mashruuc), Jaamac Taqal Cabaas, Mukhtaar Maxamed Guuleed iyo Ismaaciil Iidow Maxamed.
Tani ayaa tirada guud Xildhibaanada Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay ka dhigeysa 196 Xildhibaan, oo 40 ka mid ah ay dumar yihiin.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com