Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday Xarunta Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kula kulmay Safiirka Mareykanka ee u joogga dalka, Larry André.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Safiirka ay ka wada hadleen xaaladda dalka, dhameystirka doorashooyinka, caqabadaha horgudban iyo weliba amniga.
“Waxaan maanta Xarunta Safaaradda Dowladda Mareykanka kula kulmay Safiirka cusub Mudane Larry André. Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, dhameystirka doorashooyinka, caqabadaha hortaagan iyo amniga.” Ayuu Shariifku ku sheegay bartiisa Facebook.
Shariifka ayaa yiri “Waxaan uga mahadceliyay taageerada Dowladda Mareykanka ku bixiso dhismaha nabadda iyo geeddi-socodka dimoqraadiyadda Somaliya.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com