Wararkii ugu dambeeyay gulufka Ruushka ka wado dalka Ukraine

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Ruushka uu bixin doono dhaqaalaha dib loogu dhisayo dalkiisa, haddii burbur baaxad leh uu ka gaysanayo.

Duulaanka Ruushka ee dalkaasi oo toddobaadkii labaad galay ayaa weli ka socdo bariga, koonfurta iyo waqooyiga Ukraine, waxaana uu dagaalku u muuqdaa mid maalinba tan xigta ku sii fidaya dhul hor leh.

Ciidamada Ruushka oo duqayn xoog leh ka wado dalkaasi ayaa burburiyay kaabayaasha dhaqaalaha. Tani ayaa sidoo kale saameysay cunnadii dadka soo gaari laheyd, korontada iyo biyahaba.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Moscow ay mari doonto cawaaqib dhaqaale oo ka dhasha burburka ay ka gaysanayso dalkiisa. Madaxweynaha ayaa muuqaal uu soo duubay kaga hadlay burburka ka muuqanaya dalkaasi.

“Ruushka ayay tahay inuu dib u dayactiro guri iyo waddo walba oo ku taala Ukraine, waxaana uu mari doonnaa cawaaqibka burburka uu ka gaysanayo dalkayaga.” Ayuu yiri Maaxweyne Zelenskyy.

Dhanka kale Ciidamada Ruushka ayaa weli ku sii siqaya magaalada caasimadda ah ee Kiev, iyagoo iska caabin xoog leh kala kulmaya xoogaga wax iska caabinta ee ku sugan hareeraha magaaladaasi.

Dagaal xoog leh ayaa ka soconaya magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Kharkiv, ka dib markii xoogaga wax iska caabinta ay jilbaha dhulka u dhigteen hujuumka kaga imaanaya Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale waxay maanta iska caabin xoogan kala kulmeen Magaalada Sumy, halkaasoo tiro taangiyo ah looga gubay.

Weerarada Ruushka oo sii laba jibaarmaya ayay Militariga Ruushku duqaymo ku bilaabeen magaalada dekedda leh ee Mariupol. Maamulka Mariupol ayaa Ciidamada Ruushka ku eedeeyay inay burburiyeen kaabayaasha bulshada, ka dib markii ay hareereeyeen magaalada.

Kherson ayaa noqotay magaalada ugu weyn dalkaasi, ee illaa iyo hadda ay gacan ku-haynteeda la wareegeen Ciidamada Ruushka, sida uu qiray Igor Kolykhaev, oo ah Duqa Magaalada Kherson.

Duqa Magaalada Kherson ayaa sheegaya in Militariga Ruushka ay xoog ku galeen Xarunta Golaha Deegaanka, ayna xaalad bandow ah ku soo rogayn dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Saraakiisha Ukraine ayaa Ciidamada Ruushka ku eedeeyay in ugu yaraan 2000 oo qof, oo rayid ah ay dileen, tan iyo markii uu duulaanku bilowday.

Qaramada Midoobey waxay dhankeeda sheegtay in, in ka badan hal milyan oo qof ay ka carareen colaadda dalkaasi, qaarkoodna ay gaareen dalalka deriska. Waxaana jira dad kale oo gaaray deegaanada ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa qiratay in dagaalka ka socda dalkaasi ay kaga dhinteen 498 askari, ayna uga dhaawacmeen 1,597 kale.

Duulaankan ayaa la filayaa inuu gaysan doono khasaare ka ballaaran, inta markii hore la qisaayay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com