Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo teleefanka kula hadlay dhiggiisa Serbia

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisaciid Muuse Cali oo si dhow ula socda xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku barakacaya xuduudaha dalka Ukraine ayaa khadka teleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia, Nikola Selaković, kaas oo uu kala hadlay xaaladda ardayda Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia ayaa ballanqaaday inay soo dhaweynayaan ardayda Soomaaliyeed ee soo gaaraya dalalka deriska la ah Ukraine, ayna sii wadan doonaan waxbarashadooda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya.

“Waxaan ku heshiinnay inaan horumarino xiriirka laba geesoodka ee soo jireenka ah iyo inaan si dhow uga wada-shaqeyno arrimaha danaha labada dal.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Wadamada Bariga Yurub ayaa wada qorshe ah in ardaydii wax ka baraneysay dalka Ukraine ay waxbarashadoodii ka sii wataan dalalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com