Guddiga Doorashada Galmudug oo dib u dhigay kursiga loo diiday General Indha-qarshe

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa dib u dhigay doorashada kursigii loo diiday inuu u tartamo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe).

Kursigan oo tirsigiisu yahay #HOP020 ayaa ka mid ahaa illaa 6 kursi oo guddigu shaaciyeen in doorashadoodu lagu qaban doono Magaalada Gaalkacyo, oo ah deegaan doorashada 2aad ee Galmudug, ayna yaallaan 11 kursi.

Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa Arbacadii si adag uga horyimid in kursigan laga dhigo qoondo dumar, isla-markaana aanay aqbali doonin in tartankiisa laga hor istaaggo General Indha-qarshe.

General Indha-qarshe oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu u diiday inuu u tartamo kursiga reerkiisu leeyahay, isagoona Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiga Doorashooyinka ugu baaqay in la hakiyo doorashada kursigaasi, illaa iyo inta waddo caddaaladeed oo saxan la marsiinayo.

5-ta kursi ee kale ee doorashadoodu lagu wado in lagu qabto Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa kala ah #HOP001, #HOP101, #HOP017, #HOP060 #HOP013.

Doorashadan ayaa waxay kaga duwan tahay doorashooyinkii horey dalka looga qabtay, iyadoo beelaha kuraasta iska leh aanay ahayn kuwo u madaxbannaan, tani oo ka dhigaysa doorashadii ugu liidatay ee dalka laga qabto, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya, laba iyo labaatan sano horteed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com