Guddiga uu hoggaaminayo Cumar Dhagey oo la kulmay Axmed Madoobe

Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada 2aad Jubbaland ee Garbahaarey ayaa maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Guddiga oo Arbacadii gaaray Magaalada Kismaayo ayaa soo geba-gabeeyay kulamadii wadatashiga ahaa, ee ay magaaladaasi kula lahaayeen masuuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland ee khuseeyay doorashada Garbahaarey.

Guddiga ayaa Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubblanad, Maxamuud Sayid Aadan, Xildhibaano Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed Jubbaland iyo siyaasiyiin deegaanka ahba kala hadlay arrinta deegaan doorashada 2aad Jubbaland ee Garbahaarey, iyaga oo ka dhageystay aragtiyahooda ku aaddan maareynta iyo habka ugu fudud, ee ay ku dhici karto doorashadaasi.

Guddiga ayaa sidoo kale kulamo wadatashi iyo aragti ururin ah la yeeshay qaar ka mid ah duubabka, ugaasyada, salaadiinta iyo nabadoonada deegaan doorashada Garbahaarey.

Guddigan oo uu hoggaaminayo La taliyaha Dhinaca Sharciga ee Ra’iisal Wasaaraha Avv. Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey), ayna qayb ka yihiin Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa la filayaa in ay ku laabtaan Magaalada Muqdisho, si ay warbixinta socdaalkooda ula wadaagaan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan dhinaca Magaalada Garbahaarey, si ay u dhageystaan aragtiyaha dadka deegaanka ee ku aaddan qabsoomidda doorashada 16 kursi, oo Golaha Shacabka ah oo la qoondeeyay in lagu qabto magaaladaasi, waana xilli Maamulka Gobolka Gedo uu si adag uga horyimid magacaabidda guddigaasi.

Guddigan oo Ra’iisal Wasaare Rooble uu magacaabay 28-kii bishii February ayay tahay inay ka soo tala bixiyaan qaabka ay doorashadaasi uga qabsoomi karto Garbahaarey.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com