Madaxweynaha Puntland oo xil u magacaabay General Diyaano

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xil cusub u magacaabay Agaasimihii Hay’adda PSF-ta Puntland, General Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano).

Agaasimaha ayaa 24-kii bishii November ka horyimid xil ka qaadis uu Madaxweynuhu ku sameeyay, taasoo dhabaha u xaartay dagaalka daba-yaaqadii bishii December ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa Maxamuud Cismaan Diyaano u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Ciidanka Kumaandooska Amniga Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr u magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni oo xilalka loogu soo magacaabay Saraakiishan ayaa u qorneyd:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.

Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

2. Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).

Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com