16 Xildhibaan oo maanta lagu doortay Magaalada Boosaaso (Akhriso magacyada)

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud ayaa maanta loo doortay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Boosaaso.

Doorashada oo ka dhacday teendho laga dhex dhisay Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso ayuu General Bashiir Cabdi Maxamed ku guuleystay kursiga #HOP273, ka dib markii ay u tanaasushay Sahra Maxamed Maxamuud Cali.

Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi ayaa isna ku guuleystay kursiga #HOP227, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashada Puntland.

Kursigii ka sii horeeyay oo tirsigiisu ahaa #HOP157 ayaa waxaa ku guuleystay musharax Xildhibaan oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed Aadan Geesood.

Gabar lagu magacaabo Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali ayaa ku guuleysatay kursiga #HOP234, ka dib markii ay tartanka isaga hartay gabadhii lagu waday inay la tartanto oo lagu magacaabo Amina Cabdiweli Maxamed.

Muuse Axmed Ismaciil ayaa qaab gacantaag ah loogu codeeyay oo ku guuleystay Kursiga #HOP076, markii ay tartanka ka tanaasushay Faadumo Ibraahim Ismaaciil.

Cali Mahdi Maxamed Cali ayaa waxa uu ku guuleystay kursiga #HOP169, ka dib markii uu helay 97 cod. Musharaxan ayaa waxaa la tartameysay gabar lagu magacaabo Xafsa Cali Axmed. Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiyay Wasiirka Qorsheynta Somaliya, Jamaal Maxamed Xasan.

Kursigii 7aad oo tirsigiisu ahaa #HOP220 ayaa waxaa ku guuleystay Cali Xaaji Daahir Saleebaan, oo uu u tanaasulay musharax lagu magacaabo Axmed Burhaan Cumar.

Faysal Axmed Maxamuud ayaa kursiga #HOP149 kaga guuleystay gabar lagu magacaabo Faa’isa Cabdixakiin Maxamed. Gabadhan oo tartanka ka tanaasushay ayaa markii dambe qaab gacan-taag ah loogu codeeyay Faysal Axmed oo helay 101 cod.

Sadaam Maxamuud Cabdi ayaa noqday Xildhibaankii 9aad ee maanta lagu doorto Magaalada Boosaaso, isaga oo ku guuleystay kursiga #HOP158, ka dib markii ay u tanaasushay Muno Maxamuud Dalmar.

Kursigii 10aad oo tirsigiisu ahaa #HOP027 ayaa la isku tanaasulay, waxaana 98 cod ku guuleystay Saciid Cali Muuse, oo uu u tanaasulay Cabdulqaadir Jaamac Cabdi.

Maxamed Aadan Diini ayaa loo doortay inuu noqdo Xildhibaan ka mid ah Golaha Shacabka, ka dib markii ay u tanaasushay Faa’isa Jaamac Muuse Ismaaciil, isagoona ku guuleystay kursiga uu sumadiisu yahay #HOP036.

Kursiga #HOP222 oo ahaa kursigii 12aad ee maanta lagu doorto Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku guuleystay Caynaanshe Yuusuf Xuseen, oo 1-dii bishan iska casilay jegada Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Doorashada ee Puntland.

Kursiga 13aad ayaa waxaa ku guuleystay musharax lagu magacaabo Cabdullaahi Faarax Mire, oo ay u tanaasushay Xamdi Cabdullaahi Maxamed. Kursiga uu Cabdullaahi Faarax ku guuleystay ayaa ah #HOP228.

Kursigii xigay waxaa ku guuleystay Ismaaciil Shire Jaamac. Kursigan ayuu tirsigiisu yahay #HOP142.

Kursiga #HOP083 ayaa waxaa ku guuleystay musharax Xildhibaan oo lagu magacaabo Maxamed Bashiir Cali, halka kursigii ugu dambeeyay oo tirsigiisu ahaa #HOP190 uu ku guuleystay Maxamed Cabdi Maxamed.

Guddiga Doorashada Puntland ayaa soo gebe-gabeeyay doorashada 16-kii kursi ee yaalay Magaalada Boosaaso.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com