Guddiga Doorashada Galmudug ayaa goor dambe oo xalay ahayd shaaciyay Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa 5 kursi.
Kuraastan oo lagu dooran doono Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay kala yihiin #HOP001, #HOP060, #HOP013, #HOP017 iyo #HOP101.
Kuraastan ayaa ka mid ahaa illaa 6 kursi oo guddigu shaaciyeen in doorashadooda lagu qaban doono Magaalada Gaalkacyo, oo ah deegaan doorashada 2aad ee Galmudug, ayna yaallaan 11 kursi.
Guddigu wuxuu u muuqdaa mid wax ka bedelay hannaankii doorashada ee kuraastaasi, oo qorshuhu ahaa in doorashadoodu la qabto 5-ta bishan, oo maanta ku beegan.
Kursiga doorashadiisa laga dib dhigay kuraastan ayaa ah #HOP020, oo aan la ogayn goorta doorashadiisa la qaban doono.
Kursigan oo buuq xoog lihi uu hareeyay ayaa ah midkii laga hor istaagay inuu u tartamo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), lagana dhigay qoondo dumar.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com