Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Magaalada Doha ee dalka Qatar

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Doha ee dalka Qatar.

Safarka Madaxweynaha oo laba cisho qaadan doono ayaa magaaladaasi kulan kula leh Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Tamim bin Hamad Al Thani ayaa halkaas ku yeelan doona wada hadalo lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga iyo horumarinta danaha qaran ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Villa Somalia ee Facebook.

Safarkan kii ka horeeyay ayuu Madaxweyne Farmaajo dalkaasi ku tegay daba-yaaqadii bishii November ee sanadkii hore.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com