Ruushka oo ballaariyay duulaankiisa dalka Ukraine

Ruushka oo maalintii 10aad sii wada duulaankiisa ka dhanka ah dalka Ukraine ayaa go’doominaya magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, si uu si dhakhsa ah u soo geba-gabeeyo gulufkiisa ku wajahan dowladda dalkaasi.

Magaalada dekedda leh ee Mariupol ayaa ka mid ah goobaha laga dareemay go’doominta Ruushka, oo dhan walba ay Militariga Ruushku ka go’doomiyeen.

Sergei Orlov, Kuxigeenka Duqa Magaalada Mariupol ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha ee magaaladaasi.

“Putin iyo ciidamadiisa waxay gebi ahaanba burburiyeen kaabayaashii dhaqaalaha, magaalada waxaa ka go’an adeegyadii korontada, biyaha iyo nidaamka fayadhowrka.” Ayuu yiri Sergei Orlov.

Orlov ayaa qorshaha Ruushka ee go’doominta magaalooyinka ku tilmaamay, si ay u dhacdo masiibo bani’aadanimo. Taatikadan ayuu xusay in horey loogu go’doomiyay Magaalada Halab ee dalka Suuriya.

“Taatikada uu Ruushku adeegsanayo waxaa qayb ka ah duqaynta joogtada ah ee magaalooyinka, burburinta goobaha danta guud, oo ay ku jiraan isbitaalada iyo iskuulada.” Ayuu yiri Orlov.

Duqa Magaalada Mariupol, Vadym Boychenko ayaa saaka sheegay in Ciidamada Ruushka ay xanibeen howlihii dekedda ee magaaladaasi, sida uu u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Saraakiisha Ukraine waxay sheegayan in duulaanka Ruushka uu maalinba midda ka dambeysaa uu ku sii fidaayo magaalooyin hor leh.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Ruushka uu hawada dalkiisa ka dhigay mid ka caagan duulimaadyada, ka dib markii uu kordhiyay sida uu yiri weeraradiisa.

Madaxweynaha ayaa muuqaal uu Jimcihii soo duubay ku sheegay in dunidu ay la yaaban tahay waxa uu Ruushku ka wado dalka Ukraine.

Madaxweynaha ayaa mar kale caalamka ka dalbaday in la xiro hawada Ukraine, taa oo sida uu sheegay joojin karta duqaymaha dhinaca cirka ee ka dhanka ah dalkiisa.

“Tani oo keliya ayaa damaanad qaadi karta inuusan Ruushka gantaalo ku ridin goobo qaraxyo ka dhalin kara xarumaha Nuclear-ka.” Ayuu yiri Madaxweyne Zelenskyy.

Zelenskyy ayaa yiri “Waxaa loo baahan yahay xayiraado dheeri oo degdeg ah in lagu soo roggo dalka argagixisada ah ee haysta hubka Nuclear-ka.”

Xaruntan ayaa ah warshadda ugu weyn Qaaradda Yurub ee loo adeegsado Nuclear-ka laga dhaliyo korontada, waxaana la sheegay inay hareer mareen gantaalo uu Ruushku ku garaacay warshadaasi, goob u dhowna uu dab ka kacay. Saraakiisha Ukraine waxay xaqiijiyeen in Ciidamada Ruushka ay la wareegeen xarunta warshadan, inkastoo shaqaalihii warshadaasi ay weli si caadi ah howlahoodii shaqo u sii wataan.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Xukuumadda Moscow ugu baaqay in ay ka fogaato dhaqdhaqaaqa militari, ee ay ka waddo nawaaxiga warshadda Zaporizhzhia.

Ra’iisal Wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ugu baaqay kulan degdeg ah, oo ay ka yeeshaan weerarka warshadaasi.

Dunida ayaa ka walaacsan in masiibo bani’aadanimo ka dhalato weerarka uu Ruushku ka wado bariga, koonfurta iyo waqooyiga dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com