Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku joogga Magaalada Doha ayaa maanta la kulmay Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.

Madaxweynaha Somaliya ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in maanta uu kulan miro-dhal ah la yeeshay Amiirka Qatar, kaasoo ay qodobo dhowr ah ka wada hadleen.

“Kulanka miro-dhalka ah ee aan maanta la qaatay walaalkey Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, Amiirka dalka Qatar waxa aan diiradda ku saarnay aayaha iyo miro-dhalka xiriirka labadeena dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga tusaalaha ah ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Qatar.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan uga maha-celinayaa Sheekh Tamim, Golaha Amiirka iyo shacabka Qatar soo dhaweynta wanaagsan ee ay nagu qaabileen, anigoo bogaadinaya doorkooda dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed iyo fulinta mashaariicda dhismaha Kaabeyaasha dhaqaalaha oo si dardar leh uga socda dalka.”

Madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii gaaray dalkaasi, ka dib markii uu casuumaad ka helay Amiir Al Thani.

Safarkan kii ka horeeyay ayuu Madaxweynuhu dalkaasi ku tegay daba-yaaqadii bishii November ee sanadkii la soo dhaafay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com