Magacyada: 4 Xildhibaan oo maanta lagu doortay Gaalkacyo + SAWIRRO

Magaalada Gaalkacyo ee deegaan doorashada 2aad ee Galmudug ayaa waxaa maanta ka bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoona lagu qabtay doorashada 4 kursi.

Gaalkacyo ayaa waxaa yaala 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Maamulka Gobolada Dhexe ka dhisan ee Galmudug.

Kuraasta maanta lagu doortay Magaalada Gaalkacyo ayaa 2 ka mid ah waxaa ku soo baxay haween, xubnaha la doortayna waxaa ka mid ah Wasiiro ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada la doortay ayaa lagu kala magacaabaa Aadan Cismaan Xuseen, Xirsi Aadan Rooble, Jawaahir Maxamed Axmed iyo Qaladla Cali Cawaale.

Kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP060 oo maanta lagu waday in doorashadiisa ka qabsoomto magaaladaasi ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, mana cadda goorta doorashadiisa la qaban doono, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayan in caawa la qabanayo doorashada kursigaasi. Kursigan waa midka ay hadda ku fadhiso Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame, oo mar kale dooneysa in loo doorto.

Ciidamada amniga ayaa si weyn u adkeeyay amniga Magaalada Gaalkacyo, iyadoona la hakiyay dhaqdhaqaaqii dadka iyo isu socodkii gaadiidka ee magaalada.

Tirada guud Xildhibaanada Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay ayaa ah 216 Xildhibaan, oo 43 ka mid ah ay dumar yihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com