Qaali Cali Shire oo ku guuleysatay kursigii Ubax Tahliil Warsame (SAWIRRO)

Kursigii 5aad ayaa caawa doorashadiisa lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, oo maanta lagu doortay 4 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Kursigan oo tirsigiisu ahaa #HOP060 ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray haweenka, waxaana ku tartamayay illaa afar dumar ah.

Ubax Tahliil Warsame, Hodan Cabdullaahi Shire, Qaali Cali Shire iyo Ayaan Xuseen Xasan (Wacan) ayaa Sabtidii la guddoon-siiyay shahaadada murashaxnimada.

Doorashada oo laba wareeg ahayd ayaa waxaa wareeggii labaad u soo gudbay Ubax Tahliil Warsame iyo Qaali Cali Shire

Qaali Cali Shire ayaa ku guuleysatay kursigan, oo ay horey ugu fadhisay Ubax Tahliil Warsame, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashada Galmudug.

Waa kursigii ugu horeeyay ee doorashadiisa xilli habeen ah la qabto, tan iyo intii ay dalka ka bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, 1-dii bishii November ee sanadkii hore.

Kursigan ayaa sidoo kale noqonaya kursigii ugu doorashada adkaa, uguna daahfurnaa, intii doorasho ay qabanayeen Guddiga Doorashada Galmudug.

Tani ayaa wadarta guud Xildhibaanada Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay ka dhigeysa 217 Xildhibaan, oo 44 ka mid ah ay dumar yihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com