Rooble oo la kulmay Guddiga uu hoggaaminayo Cumar Dhagey (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada 2aad Jubbaland ee Garbahaarey.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa guddigan oo uu hoggaaminayo La taliyihiisa Dhinaca Sharciga, Avv. Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) ka dhageystay warbixin ku saaabsan socdaalkoodii Kismaayo iyo qorshaha safarka guddigu ku tegayan Magaalada Garbahaarey, si ay wadatashiyo ula soo yeeshaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddiga oo Khamiistii gaaray Magaalada Kismaayo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, si Ra’iisal Wasaaraha ula wadaagan warbixintooda kulamadii ay kaga qaybgaleen magaaladaasi.

Guddigan oo Ra’iisal Wasaare Rooble uu magacaabay 28-kii bishii February ayay tahay inay ka soo tala bixiyaan qaabka ay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka uga qabsoomi karto Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com