Shariif Xasan oo laga hor istaagay inuu u safro Magaalada Baydhabo

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta laga hor istaagay inuu u safro Magaalada Baydhabo, iyadoona lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa haatan ahaa musharax u taagan kursiga #HOP261, oo deegaan doorashadiisu tahay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

“Waxa maanta dhacay, aniga runtii aad ugama hadli karo, sababtoo ah waxaan filaayay ma’aha.” Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo intaasi ku daray “Baydhabo ma teggi kartid, wax kastoo dhacaba waxaan filaayay maba ahan.”

Shariif Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa yiri “Shalay ayaan rabay inaan baxo, maadaama kursiga #HOP261 la soo dhejiyay oo beesha aan ka dhashay ay iska leedahay, beeshaydana waxay tiri kaalay, marka shalay inaan baxo ayaan rabay oo waa nala hor istaagay, waxaa nala yiri lix saac (12:00pm) haddii la gaaro garoonka lagama deggi karo, markaas waan iska runsanay, laakiin waxa hadda dhacay haddaan fiirino waxay ahayd wax ku talagal ah.”

Shariif Xasan oo muddo dhowr saacadood ku xanibnaa Garoonka Adan Cadde ayaa sheegay inuu la xiriiray Maamulka Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo, uuna ka codsaday in loo ogolaado in diyaaradiisa ka soo degto garoonkaasi, balse aan lagu tixgelin wixii ay ka filayeen.

“Maanta hal saac subaxnimo ayaan Garoonka Aadan Cadde galnay, saacadaas ayaan ka soo baxnay, diyaaraddii na qaadi laheyd waa la diiday. Falkaas fal aan aad iyo aad uga xunahay waaye, wax hadda anaga na qabtana ma’ahayn.” Ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ku eedeeyay inuu bedelay nabadoonkii beesha, uuna ku soo bedelay oday kale, oo aan ahayn odaygii rasmiga ahaa ee beeshooda metelayay.

“Waxaan aaminsahay inaan mudnaa in aanan ahayn ninkii garoonkaasi loo diidi lahaa, waxaan raadinayayna waxaa waaye waxa beeshayda ay leedahay, inkastoo waxyaabaha hadda meesha ka socdo ay yihiin wax lala yaabo, marnaba ma dhahayo waa doorasho waxa meeshaas ka socdo, waa magacaabis uu hal qof ku takri-falayo. Inuusan qalinkiisa i qabanayn aniga waan aaminsanaa, laakiin haddana saas oo ay tahay inaan meesha iska taggo oo odayaashii aan u taggo ninkii ay rabaana ay keensadaan.” Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sidoo kale ah musharax madaxweyne.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxa ka sii daran ee nalagu sameeyay, anaga oday dhaqan ayaan leenahay waa la ogyahay, Madaxweyne Cabdicasiis dhowr jeer ayaan is aragnay, weligay waxaan kala hadlayay nin yahow anaga odaygayna ixtiraam.”

Shariif Xasan oo horey u soo noqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa kaalin mug leh ku lahaa aasaaska iyo dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana lagu tilmaamaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu saamaynta badan ee deegaanadaasi.

Daba-yaaqadii bishii hore ee February ayay ahayd, markii Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey laga hor istaagay inuu u safro Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo uu yaalay kursigii uu fadhiyay, oo uu doonayay in mar kale uu u tartamo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com