Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socdo dalka Ukraine

Dagaal faraha looga gubtay ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay afaafka hore magaalada caasimadda ah ee Kiev, ka dib markii ay isku fara saareen Ciidamada Ruushka iyo xoogaga wax iska caabinta ee Ukraine.

Ciidamada Ruushka oo soo jiiray difaacyadii ay xoogaga wax iska caabinta ku lahaayeen hareeraha magaaladaasi ayaa u muuqda kuwo iminka doonaya inay foodda geliyan magaalo madaxda dalkaasi.

Ciidamada Ukraine ayaa ka barbar dagaalamaya dadka madaniga ee dagaalka kala horjeeda Ciidamada Ruushka, waana xilli Ciidamada Ruushka oo wata dabaabaadka dagaalka ay hujuum ballaaran ku hayaan magaaladaasi, ayna dhanka cirka ka taageerayan diyaaradaha dagaalka.

Xoogaga wax iska caabinta ayaa hadda wada abaabul, ay ku doonayan inay kaga hortaggaan in Ciidamada Ruushka aanay la wareegin gacan ku haynta Magaalada Kiev.

Gulufka militari ee Ruushku ka wado dalkaasi ayaa waxaa ka dhashay xaalad bani’aadanimo, ka dib markii ciidamadiisa ay go’doomiyeen magaalooyinka qaarkood.

Hay’adda ICRC ayaa sheegtay inuu guuldareystay dadaaladii la doonayay in dadka looga daadgureeyo magaalada go’doonsan ee Mariupol, markii Sabtidii looga dhawaaqay gurmad lagu samata-bixinayo dadka ku nool magaaladaasi.

Hay’adda Laanqayrta Cas ayaa sheegaysa inaanu jirin heshiis rasmi ah oo u dhaxeeya labada dhinac, oo looga daadgureynayo dadka ku go’doonsan magaalada dekedda leh ee Mariupol.

Mariupol oo dhacda koonfurta Ukraine ayaa wajahaysa xaalad adag, oo ka dhalatay go’doominta daran ee Ciidamada Ruushka, waxaana shalay iyo maantaba fashilmay samata-bixinta la doonayay in loo sameeyo illaa laba boqol oo kun oo qof.

ICRC ayaa dhinacyadaasi ugu baaqday inay ciidamadoodu ilaaliyan shaqaalaha, gaadiidka iyo dhismooyinka ay ka muuqanayan astaamaha Laanqayrta Cas, iyagoo markaasi ixtiraamaya shuruucda caalamiga ah. ICRC ayaa ku boorisay inay dhowraan sharciga caalamiga ee bani’aadanimada, isla-markaana aysan ku xadgudbin rayidka iyo weliba goobaha ay ku nool yihiin.

Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa maanta sheegay in Mareykanku uu arkay caddeymo muujinaya in Moscow ay gashay dembi dagaal, tan iyo intii uu duulaankeedu bilowday.

Blinken oo wareysi siiyay CNN ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay bartilmaameedsadeen oo duqaymana ay ka gaysteen goobaha rayidka, taasoo noqon karta buu yiri dembi dagaal.

Ciidamada Ruushka ayaa weli sii wada duqaynta xoogga leh ay ku hayaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, taasi oo mararka qaarkood ay waxyeelo ka soo gaareyso dadka rayidka ah. Shaqaalaha gurmadka degdegga ee dalkaasi waxay sheegayan in ka badan laba kun oo qof inay ku dhinteen muddada uu duulaankaasi socday.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa ka digay in Ciidamada Ruushka ay duqeeyan magaalada ku taala Xeebta Badda Madow ee Odessa.

“Waxay wadaan hawlgal ay isugu diyaarinayan inay duqaymo kaga gaystaan magaalada taariikhiga ah ee Odessa.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa yiri “Duqaynta magaaladan waxay noqon doontaa dembi dagaal, haddii Ciidamada Ruushka ay ka gaystaan.”

Odessa ayaa ahayd goob ammaan ah, intii ay Ciidamada Ruushka hawlgalada ka wadeen dalkaasi. Magaaladan waxaa ku nool qiyaastii hal milyan oo qof, oo isugu jira bulsho kala qowmiyado ah.

Colaadda dalka Ukaine ayaa waxaa ka cararay in ka badan hal milyan oo qof, tani oo Qaramada Midoobey ay ku qeexday dhibaatada qaxooti ee ugu ballaaran Qaaradda Yurub, ka dib dagaalkii 2aad ee adduunka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com