Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa caawa shaaciyay magacyada Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa 3 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Beledweyne.
Tirsiga kuraastan ayaa kala ah #HOP010, #HOP030 iyo #HOP066, waxayna ka mid yihiin 11 kursi oo doorashadooda la soo dejiyay 26-kii bishii February.
Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ay yaallaan 25 kursi ayaa waxaa illaa iyo hadda lagu doortay 12 kursi oo keliya, xilli muddada lagu ballamay in la soo geba-gabeeyo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku egtahay 15-ka bishan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com