Is mari-waa weli ka taagan kuraasta doorashadooda lagu qabanayo Garbahaarey

Maamulka Gobolka Gedo ayaa weli ku adkeysanaya inaanay Magaalada Garbahaarey imaan karin Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada 2aad Jubbaland ee Garbahaarey.

Guddigan ayaa waxaa Gudoomiye u ah La taliyaha Dhinaca Sharciga ee Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Avv. Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey).

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 28-kii bishii la soo dhaafay ee February magacabay guddigan, waxaana loo igmaday inay ka soo tala bixiyaan qaabka ay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka uga qabsoomi karto Magaalada Garbahaarey.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Axmed Buulle Maxamed Gareed ayaa toddobaadkii hore sheegay inaanay Garbahaarey imaan karin guddiga uu hoggaamiyo Abukaate Cumar Dhagey.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa hadda bilaabay inay shirkadaha diyaaradaha uga diggaan inaanay soo qaadi karin xubnaha guddigaasi.

Aadan Siraad Maxamuud, Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Garbahaarey ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka ay imaan karaan Garbahaarey, balse aanay imaan karin xubnaha kale ee guddiga uu magacaabay Ra’iisal Wasaaruhu.

Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey ayaa waxaa yaala 16 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Jubbaland waxay kol hore shaki-gelisay in doorashadaasi ka qabsoomi karto Garbahaarey, sababo ku aaddan ciidan taabacsan Villa Somalia oo ku sugan magaaladaasi, waana midda Rooble ku dhalisay inuu magaaladaasi u magacaabo guddi soo qiimeeya xaaladeeda amni.

Is mari-waaga ka taagan Garbahaarey ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli 8 maalmood ay ka harsan tahay muddada lagu heshiiyay in lagu soo geba-gabeeyo Doorashada Golaha Shacabka, oo ku eg 15-ka bishan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmai.com