Madaxweynaha Puntland oo Saraakiisha Ciidamada kula kulmay Boosaaso (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta Magaalada Boosaaso kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, oo uu kala hadlay arrimaha amniga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada uu ku bogaadiyay shaqada wanaagsan, ee ay dalka iyo dadkaba u hayaan.

“Masuuliyiinta amniga iyo Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaan maanta kulan la qaadanay, waxaan ku bogaadiyay shaqada wanaagsan, ee ay dalka iyo dadka u hayaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa qoraal ku sheegay “Ciidamadeenu waa geesiyaal naftooda u huray difaaca dalka iyo dadka, waxaanu siinay ahmiyad gaar ah.”

Madaxweyne Deni ayaa yiri “Dhismaha ciidamada iyo tayayntoodu waa qayb ka mid ah waxyaabaha aynu waqtiga gelinay. Insha’Allah waana rajaynaynaa inaynu intaasi ka sii horumarino.”

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com