Madaxweyne Deni oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso, oo lagu sameynayo dib u dhis iyo ballaarinba.

“Maanta waxaan kormeernay Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, oo ay ku socoto horumarin ballaaran, si loogu diyaariyo garoonka in uu noqdo mid habeen iyo maalin shaqeeya oo adeegiisu uu u dhameystiran yahay.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shaqada ay hadda ka socoto dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan ee Runway-ga, oo sida uu sheegay lagu daray 800 oo mitir iyo 300 oo mitir oo loogu talagalay sida uu yiri amniga diyaaradaha.

“Garoonka waxaa shaqo laga haya dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan oo lagu daray 800m iyo 300m oo amniga diyaaradaha loogu talagalay. Waxaa sidoo kale dhismihiisu socdaa hangar-ka diyaaradaha la dhigo, shaqooyinka kale ee masuuliyiinta ay khuseyso nala wadaageen waxaa ka mid ah wadada Airport-ka oo laami laga dhigayo iyo qorshaha Airport-ka loogu diyaarinayo in uu habeenkii shaqeeyo oo duulimaad habeen ah bilaabo.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com