Ruushka oo u muuqdo mid ciqaabaya dadka reer Ukraine

Ciidamada Ruushka ayaa kordhinaya go’doominta ay ku hayaan magaalooyinka dalka Ukriane qaarkood, si dadka reer Ukraine ee iska caabinta sameynaya ugu khasbaan inay dagaalka joojiyaan, si Moscow aanu dagaalku ugu sii daba dheeraan.

Qaylo dhaan xoog leh ayaa ka soo yeeraysa dadka ku haray magaalooyinka go’doonsan, xilli aysan magaalooyinkaasi ka jarin adeegyadii bulshada, sida biyihii, korontadii, caafimaadkii iyo cunnada oo aad gabaabsi uga ah. Saraakiisha reer Ukraine waxay sheegayan inaysan dadku ka bixi karin magaalooyinkaasi, illaa iyo inta xayiraadda laga qaadayo.

Duqii Magaalada Gostomel, Yuri Illich Prylypko ayaa maanta ku geeriyooday rasaas ay furayn Ciidamada Ruushka, isagoo qaybinayay rooti iyo dawo. Maamulka Magaalada Gostomel ayaa qoraal ku sheegay xilligii la dilayay Prylypko in uu caawinayay dad gaajeysan iyo kuwo kaloo bukaan ah.

Afar qof ayaa ku dhimatay, shan iyo iyo toban kalena way ku dhaacantay, ka dib markii uu gantaal ku dhacay goob cunnada laga iibsado oo ku taala magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Kharkiv. Ruushka ayaana si joogto ah duqayn uga gaysta magaaladan, oo dad fara-badani ay ku go’doonsan yihiin.

Dowladda Ukraine ayaa Ruushka ku eedeysay inuu furayo oo keliya wadooyinka ka baxa dalkaasi ee tagga Ruushka iyo Belarus. Ukraine waxay Ruushka ka dalbatay inuu shacabkeeda u ogolaado inay ka bixi karaan dhammaan xuduudaha Ukraine.

Iryna Vereshchuk, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Ukraine ayaa Ruushka ugu baaqday inuu furo wadooyinka ka baxa Caasimadda Kiev, oo aanu furin kuwa aada dalkiisa oo qura.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ruushka ay ballaariyeen gulufka xoogan ay ka wadaan afaafka hore magaalo madaxda dalkaasi ee Kiev. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ruushku uu u muuqdo mid ay ka go’an tahay, sidii uu ula wareegi lahaa gacan ku haynta magaaladaasi, iyadoo uu ujeedkuna yahay inuu rido dowladda dalkaasi.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa mar kale ku baaqay cunaqabateyn hor leh oo lagu soo roggo Moscow, si looga dalbado inay dagaalka joojiso.

“Haddii Ruushka uu sii wado duulaankiisa Ukraine, waxaa taasi bedelkeeda loo baahan yahay cunaqabateyn cusub, oo looga dalbanayo nabadda Ukraine.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa loo baahan yahay inay dunida diiddo shidaalka laga keeno dalka Ruushka iyo waxyaabaha kale ee dalkaasi uu soo saaro, si aan u diidno inaan lacagtayada siino argagixisada, waxaana taasi loogu yeeri karaa mid si niyad ah ku timid.”

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa walaac ka muujisay qulqulka qaxootiga reer Ukraine ee gaaraya dalalka deriska. Dalka Poland oo keliya waxaa gaaray hal milyan oo qof oo qaxooti reer Ukraine ah.

Madaxa Hay’adda UNHCR, Filippo Grandi ayaa Dowladda Ruushka ugu baaqay in la helo wadooyin gargaarka bani’aadanimada loo marsiin karo magaalooyinka ay ciidamadeedu hareereeyeen.

Ruushka ayaa duulaankiisa sii wadi doono, illaa iyo inta uu ka ridayo dowladda dalkaasi amaba ay Ukraine ka ogolaneyso meelmarinta dalabkiisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com