Ammaanta ay Galmudug ku kasbatay doorashada iyo caqabadaha weli horgudban

Dadku waxay si diiran u soo dhaweeyeen kursi doorashadiisa si daahfuran hal habeen ka hor looga qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaas oo ay ku guuleysatay gabar lagu magacaabo Qaali Cali Shire, ayna tahay in dersi laga barto.

Qaali Cali Shire ayaa wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaatay Ubax Tahliil Warsame, oo horey ugu fadhisay kursigan oo tirsigiisu yahay #HOP060.

Qaali Cali Shire ayaa Isniintii shalay sheegtay in doorasho xor iyo xalaal ah ay kaga guuleysatay gabadhii sagaalka sano ku fadhisay kursigaasi.

Galmudug oo ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa waxaa yaala 37 kursi (Dhuusamareeb 26 kursi iyo Gaalkacyo oo 11 kursi ah).

Kuraastii taalay Dhuusamareeb oo dhammaantoodba la doortay ayaa waxaa doorashadooda la soo geba-gabeeyay 25-kii bishii hore ee February. 4 ka mid ah kuraastaasi ayaa waxaa ku soo baxay dumar.

Gaalkacyo oo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Axaddii ka bilaabatay ayaa waxaa lagu doortay 5 kursi, oo 3 ka mid ah ay dumar ku soo baxeen.

Xubnaha Guddiga Doorashada Galmudug ayaa sheegaya in doorashada ay ku soo geba-gabeen doonaan muddadii lagu heshiiyay oo ku eg 15-ka bishan, ka horna ay qaban doonaan doorashada 6-da kursi ee harsan.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Madaxtooyada Galmudug iyo Guddiga Doorashadaba ay caqabad ka haysato kursiga doorashadiisa dib loo dhigay ee #HOP020. Kursigan ayaa tartankiisa laga hor istaagay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), ka dib markii qoondo dumar laga dhigay. Tani ayaa waxaa ka gadooday Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo odayaasha beesha kursigaasi iska leh qaybtood.

Kursigan oo buuq uu ku furan yahay ayaan la garanayn goorta doorashadiisa la qaban doono, waxaase socda dadaalo ay tahay in xal lagaga gaaro, waana xilli Madaxtooyada Galmudug ku adkeysanayso in kursigaasi uu yahay, sidii dumarka loogu xiray.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa waxaa weli horyaala kursi kale oo doorashadiisa ay adkaan doonto, waa kursiga #HOP069 oo dhexyaala Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo horey kursigan ugu fadhiyay.

Maareynta kursigan ayay dad badani u arkaan imtixaan ay marayan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com