Guddiga Doorashada Galmudug ayaa caawa shaaciyay jadwalka doorashada 3 kursi oo doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Gaalkacyo.
Kuraasta caawa jadwalkooda la soo saaray ayaa kala ah #HOP038, #HOP069 iyo #HOP095.
Kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP069 oo doorashadiisu la filayo inay adkaan doonto ayaa dhexyaala Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo horey kursigan ugu fadhiyay.
Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada 2aad ee Galmudug ayaa waxaa yaala 11 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaa oo 5 ka mid ah Axaddii la doortay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com