Ukraine oo sheegatay dilka janaraalkii labaad ee Ruushka u dhashay

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in janaraal ka tirsan Ciidamada Ruushka lagu dilay dagaal ka dhacay agagaarka magaalada go’doonsan ee Kharkiv. Kharkiv waa magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi Ukraine.

Bayaan ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka ee Wasaaradda Gaashaandhigga Ukraine ayaa lagu sheegay in General Vitaly Gerasimov iyo Saraakiil kale lagu dilay, qaar kalena lagu dhaawacay dagaalkaasi.

Wasaaradda Difaaca Ruushka weli kama hadlin warka sheegaya geerida General Gerasimov, oo 45 jir ahaa.

Haddii la xaqiijiyo sheegashada Ukraine ee dilka janankaasi ayaa waxa uu noqonaya ninkii labaad ee ugu darajada sarreeyay ee laga dilo Ciidamada Ruushka, tan iyo markii ay duulaanka ku qaadeen dalkaasi.

Toddobaadkii hore General Andrei Sukhovetsky ayaa u geeriyooday rasaas meel fog lagaga soo shiishay, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

General Sukhovetsky ayaa ahaa Taliyaha Ciidamada Qaybta 7aad ee Hawada Ruushka ahna Taliye Kuxigeenka Qaybta 41aad ee Ciidamada Dhulka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com