Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa ka hadlay iska horimaadka maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Iska horimaadkan oo ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ayaa u dhaxeeyay ciidan kala taabacsan Maamulka Hirshabelle iyo qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada kuraasta taala magaaladaasi. Laba qof oo midi uu rayid yahay ayaa ku dhintay iska horimaadka, halka shan kalena ay ku dhaawacantay.
“Nasiib darradaasi ayaa dhacday oo salka ku haysay caddaalad darro weligeyd soo jiitameysay oo dadku qadyaan ka istaagay, oo markii dambe uu Madaxweyne Cali Guudlaawe go’aan ka gaaray fagaarena uu ka sheegay go’aankiisa ah in doorashada ay si xalaal ah u dhaceyso, in qof loo xirayo aysan jirin, in dadku ay ku tartamaan ergadu qabaa’ilku soo dirsadaan. Waa sidii qurxaneyd ee qof walba maleysaneysay.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.
Xildhibaanka ayaa Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ku eedeeyay inuu ka masuul yahay wixii maanta ka dhacay magaaladaasi.
“Isku dhaca waxaa keenay liis qabiiladu ay geeyeen oo shantii qof ahaa, habraaca waad la socotaa shan, shan qof ayaa la iska rabaa oo qabiil kasta ku metelaya inay ergada soo saaraan. Shantii la geeyay oo qabiilku geeyay ee Madaxweynaha Hirshabelle uu fasaxay ayaa Madaxweyne Kuxigeenka waxa uu yiri hala soo celiyo, si kuwo kale oo isagu yaqaano loo geeyo.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax oo la hadlay BBC.
“Dadka dagaalamaya waxay ka cabanayaan Yuusuf Dabageed.” Ayuu yiri Xildhibaan Goodax oo intaasi ku daray “Wada hadal badan, dood iyo is qancin badan ka dib la mooday in wixii la xaliyay ayaa dib meesheedii ugu noqotay, taasaa waxay keentay dagaalka.”
Xildhibaan Goodax ayaa yiri “Musharaxiintu marnaba eed ma qaadan karaan, maxaa yeelay waxay taagan yihiin war qabiilkii ergadiisii aan ku tartano iyo maamulka oo leh sida meelaha kale ka dhaceysay, haddaan anagu maamulku nahay qof ayaan siineynaa kursiga, qofkaas ayaa malxiis loo sameynayaa, qofkaas ayaan anagu qabiilka ka xulanay iyo war aan wada tartano, nuxurka waxa la isku hayo waa intaas.”
Xildhibaan Goodax oo ka mid ah musharaxiinta ay is hayaan Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa mar kale doonaya in uu u tartamo kursiga uu ku fadhiyo, oo tirsigiisu yahay #HOP063.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com