Macluumaad: Doorashada Golaha Shacabka oo ku dhow dib u dhac kale

Maalmaha yar ee harsan iyo caqabadaha kale ee muuqdo ayaa suurtagal ka dhigaya in mar kale ay muddo dhaafto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa 24-kii bishii February ku heshiiyay in doorashada lagu soo geba-gabeeyo 15-ka bishan March, ka dib markii ay xilligaasi garowsadeen inaanan doorashada lagu soo geba-gabeen karin 25-kii bishaasi oo waqtigeeda uu ku muddeysnaa, iyagoona markaasi 19 cisho ugu kordhiyay.

Magaalada Garbahaarey oo kale oo ay yaallaan 16 kursi waxaa ka taagan is mari-waa la xiriira doorashada kuraastaasi, tiiyoo aysan weli faro ka qodnayn goorta la shaacin doono jadwalka doorashadooda, waxaadna ogtahay in waqtigu uu aad ciriiri u yahay.

Maamulka Gobolka Gedo oo la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia ayaa is hortaagay guddigii uu Ra’iisal Wasaaruhu u magacaabay inay soo qiimeeyan xaaladda magaaladaasi, ka dib markii Jubbaland ay walaac ka muujisay qaabka ay doorashada uga qaban karto magaaladaasi.

Guddigan oo uu hoggaaminayo La taliyaha Dhinaca Sharciga ee Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Abukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) ayaa Talaadadii lagu waday inay gaaraan magaaladaasi, balse ay is hortaag kala kulmeen Maamulka Degmada Garbahaarey, oo gaadiid dagaal geeyay Garoonka Diyaaradaha, iyagoona Isniintii shirkadaha diyaaradaha uga digay inaysan soo qaadi karin Cumar Dhagey iyo xubnaha kale, ee aan ka ahayn Guddiga Doorashooyinka.

Magaalada Beledweyne oo ay ku harsan yihiin 13 kursi oo weli aan doorashadooda la qaban ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay qaabka loo qabanayo doorashada kuraastaasi qaarkood, waxayna tani khilaaf ay ka dhex abuurtay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Duhurnimadii shalay iska horimaad ay dad ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ayaa ka dhacay afaafka hore Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ee Beledweyne, xilli uu Madaxtooyada shir uga socday Madaxweynaha Hirshabelle iyo qaar ka mid ah musharaxiinta Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday, kana mid ah musharaxiinta ayaa Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ku eedeeyay mid ka masuul ah wixii shalay ka dhacay Beledweyne.

Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd is mari-waa la xiriira in doorashada kuraasta harsan laga dhigo mid daahfuran.

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa isla shalay sheegay inay hakiyeen Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada soo dooraneysa labada kursi ee kala ah #HOP010 iyo #HOP066, kuwaa oo ka mid ahaa saddex kursi oo jadwalka doorashadooda ay shaaciyeen habeenkii Isniinta. Tani ayay ku sababeeyeen ka dib cabasho uga timid Odayaasha Dhaqanka iyo musharaxiinta kuraastaasi, waxayna qoraal ku sheegeen “Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) waxa uu murashaxiinta kuraasta kor ku xusan iyo ummadda Somaliyeed la wadaagi doonnaa magacyada Guddiga Xulista Ergada, si rasmi ah marka la xaliyo cabashadaas.”

Caqabadda kale ee jirta ayaa ah inaanan weli la xalin tiro kuraas ah oo natiijada doorashadooda la hakiyay, ka dib markii Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ay cabasho uga timid beelaha kuraastaasi iska leh.

Dadka orodoso siyaasadda dalka waxay sheegayaan inaysan suurtagal tahay in 6-da cisho ee harsan lagu soo geba-gabeeyo doorashada illaa 60 kursi oo weli baaqi ah.

Doorashadan ayaa la fahamsan yahay in doorashooyinkii hore ee dalka laga qabtay kaga duwan tahay, iyadoo beeluhu aysan u madaxbannaanayn doorashada kuraasta ay ku magacaaban yihiin.

Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dhowr jeer dib uga dhacday jadwalka ku muddeysan xilligeeda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com