Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada 6 kursi, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Doorashadan ayaa kaga duwaneyd doorashooyinkii horey looga qabtay Magaalada Baydhabo, iyadoo loo ekeysiiyay mid si xor iyo xalaal ah loogu tartamay, marka aad ekeyd in ergada ay qaab qarsoodi ah ugu codeyneysay xubnihii tartamayay, balse aanay xaqiiqdu sidaasi ahayn.
Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Cirro) ayaa ka mid ah Xildhibaanada maanta lagu doortay magaaladaasi.
Saalax Shariif Siid Cali ayaa ku guuleystay kursigii laga hor istaagay Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ahna musharax Madaxweyne.
Xildhibaanada kale ee la doortay ayaa kala ah Axmed Madoobe Nuunow, Cabdisalaan Cali Cabdi, Cabdulqaadir Cumar Macalin iyo Luul Ibraahim Cumar, oo ah gabadha keliya ee maanta la doortay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com