Sweden oo si dhab ah u qaadatay hanjabaadda Ruushka

Dowladda Sweden ayaa iska diiday baaqyada mucaaradka dalkaasi, ee ah in dalkaasi uu ku biiro Gaashaanbuurta NATO, oo ay xurguf kala dhaxeyso Ruushka. Baaqyada mucaaradku waxay soo xoogeysteen, ka dib duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine.

Moscow ayaa dalalka Sweden iyo Finland uga digtay cawaaqib daran, haddii ay ka mid noqdaan amaba ku biiraan dalalka xubnaha ka ah Isbahaysiga NATO.

Ra’iisal Wasaaraha Sweden, Magdalena Andersson ayaa sheegtay inay xaaladda Yurub kaga sii dari doonto, haddii Sweden ay dalbato ka mid noqoshadeeda NATO, waxayna muujisay inaanan xilligan loo baahnayn tallaabada ceynkaasi oo kala ah.

“Waxaan caddeeyay xilliyadan oo dhan waxa u wanaagsan ammaanka Sweden iyo midka Yurub-ba inuu yahay in dowladdu ay leedahay siyaasad mustaqbalka fog ah.” Ayay tiri Magdalena Andersson oo Warbaahinta ka soo muuqatay.

Magdalena Andersson ayaa tilmaamtay inaysan doonayn inay dabka ku sii shido xiisadda haatanba ka taagan Qaaradda Yurub.

Stockholm ayaa waxay siyaasadeeda arrimaha dibadda ku dhisan tahay ka fogaansahaha colaadaha, iyadoo aan wax dagaal ahi gelin, tan iyo sanadkii 1814-kii, markaas oo Sweden ay guul ka gaartay dagaalkii ay la gashay Norway. Sweden waxay sanadahan xiriir dhow la sameysaneysay NATO.

Xog ururin bishii January la sameeyay ayay dadka reer Sweden boqolkiiba laba iyo afartan (42%), ay haa ugu codeeyeen in dalkaasi ku biiro NATO.

Ruushka ayaa dhawaan ku hanjabay in Finland iyo Sweden ay wejihi doonaan cawaaqib militari iyo mid siyaasadeedba, haddii ay u jiheystaan dhanka NATO.

Hanjabaadda Ruushka ayaa ku soo aadaysa, xilli Wasaaradda Difaaca Sweden ay NATO ka codsatay gaadiid iyo saanad militari oo lagu xoojinayo Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com