Magacyada: 3 Xildhibaan oo lagu doortay Magaalada Beledweyne

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa maanta qabtay doorashada 3 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

Kursiga 1aad oo tirsigiisu ahaa #HOP030 ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo horey kursigan ugu fadhiyay, ka dib markii uu doorashada ka tanaasulay musharaxii lagu waday inuu la tartamo oo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi Xeefow.

Kursiga #HOP010 oo sidoo kale doorashadiisa la isku tanaasulay ayaa waxaa ku guuleystay musharax Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Cismaan (Gurey).

Maalik Ibraahim Cabdalla ayaa ku guuleystay doorashada kursigii 3aad oo tirsigiisu ahaa #HOP066, ka dib markii uu tartan adag la galay musharaxiinta kala ah Cumar Cismaan Waasuge iyo Cabdiraxmaan Daahir Guure.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay in Maalik Ibraahim Cabdalla uu helay 58 cod, iyadoo Cabdiraxmaan Daahir Guure uu helay 31 cod, halka Cumar Cismaan Waasuge uu helay 7.

Beledweyne oo ah deegaan doorashada 2aad ee Hirshabelle ayaa waxaa illaa iyo hadda lagu doortay 15 kursi, xilli magaaladaasi ay yaallaan 25 kursi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com