Odayaasha Dhaqanka oo ka horyimid kursiga loo xiray Xildhibaan Jeesow

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa weli ka taagan muranka ka dhashay kow iyo tobanka kursi ee jadwal doorashadooda kol hore la soo saaray, ee la doonayo in lagu doorto magaaladaasi.

Doorashada kuraastan ayuu hakad ku yimid, ka dib markii musharaxiinta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka horyimaadeen in dad gaar ahi loo xiro kuraastaasi.

Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa gelinkii dambe ee shalay dib u fasaxay doorashada 3 kursi, oo doorashadooda ay dib u dhigeen Talaadadii. Guddiga ayaa isla shalay galab shahaadada murashaxnimada guddoon-siiyay musharaxiinta ku tartameysa kuraastan, hase ahaatee tallaabadan ayaa waxaa xalay ka horyimid Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo gudidgaasi faray in la saxo, lana xaliyo cabashada laga keenay.

Odayaasha Dhaqanka ee beesha iska leh kursiga #HOP030 ayaa codkooda ku biiriyay diidmada ah inaanan kursigaasi loo xiri karin Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo mar kale doonaya in dib loogu soo doorto kursigaasi.

Suldaan Yuusuf Suldaan Daa’uud Cabdi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee beesha kursigaasi iska leh ayaa saaka sheegay inay cabasho ka yihiin in kursigaasi loo boobo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

“Anigoo ah Suldaan Yuusuf Suldaan Daa’uud Cabdi waxaan cabasho ka nahay in kursiga #HOP030 nin gooni ah loo xiro, dadkii ay beesha soo wakiilatayna la diido.” Ayuu yiri Suldaan Yuusuf Suldaan Daa’uud Cabdi.

Waxa kaloo uu yiri “Gaaljecel waxaa ugu sarreeyo Ugaaska Beesha Gaaljecel, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi, ragga dhaqankana anaa ugu weyn oo ah Suldaan Yuusuf Suldaan Daa’uud Cabdi. In Jeesow loo xiro kursigaasi oo xaalkiisa ay Soomaali ogtahay ayaan cabasho ka nahay, Dowlad Goboleedka Hirshabelle hanaga deyso arrintaasi.”

“Ergadii aan dirnay in la bedelay ayaa kuwo kale la soo qoray.” Ayuu yiri Suldaan Yuusuf oo intaasi ku daray “Hana laga daayo, nama qabato, haddii ay jirto Dowlad Goboleed Hirshabelle la dhaho, haddii ay dulmi wadaana, haddee waqtiga waa dhammaan doonnaa, berrina waad noo baahan doontiin, dhulkana anagaa iska leh, Dowlad Goboleedkana anagaa iska leh.”

Doorashada Golaha Shacabka ayaa ka gudbi la’ khilaaf aan dhammaad lahayn, taa oo la fahamsan yahay inay ka dhalatay doorka muuqdo, ee ay doorashadaasi ku leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com