Rooble oo la kulmay Danjiraha Mareykanka ee dalka (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga, Larry André, iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isla soo qaadeen inay lagama maarmaan tahay in Doorashada Golaha Shacabka lagu soo geba-gabeeyo waqtigeeda, oo ku beegan 15-ka bishan.

“Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Danjire André ayaa ka wada hadlay habsami u socodka doorashada, iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horey ugu heshiiyeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo illaa hadda la doortay 80% Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dhanka kale sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada, waxa uuna Ra’iisal Wasaaruhu ka codsaday Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada in ay doorashada soo gebegabeeyaan ugu dambayn 15-ka Maarso, sidii horey loogu heshiiyay.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com