Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Ruushka iyo Ukraine, Sergei Lavrov iyo Dmytro Kuleba ayaa maanta lagu wadaa inay wada hadalo fool ka fool ah ku yeeshaan Magaalada Koonfurta Turkiga ku taala ee Antalya.
Dowladda martida loo yahay iyo labada dowladeed ee kalaba waxay xaqiijiyeen in kulankan uu maanta ka qabsoomi doono Magaalada Antalya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka iyo dhiggiisa Ukraine ayaa gaaray magaaladaasi, si ay ugu diyaargaroobaan ka qaybgalka wada hadaladaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay inay rajeynayan in wada hadalada Antalya ay horseedi doonaan xasillooni lagu soo dabaalo gobolka.
“Waxaan rajeynaynaa in wada hadaladan ay horseedi doonaan nabad iyo xasillooni.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.
Kulankan ayaa noqonaya kiisii ugu heerka sarreeye ee labada dhinac yeeshaan, tan iyo markii uu Ruushku weeraray dalkaasi Ukraine.
Colaadda Ukraine ayaa galaafatay nolosha boqolaal qof oo rayid ah, halka in ka badan laba milyan oo kalena ay ku khasabtay inay dalkooda isaga cararaan.
Caalamka ayaa isha ku haya wareegga hore wada hadalada dhinacydaasi uga furmaya dalka Turkiga. Turkiga ayaana dadaal ugu jira, sidii uu u miro-dhali lahaa doorkiisan diblomaasiyadeed.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com