Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow, oo ka tirsanaa Baarlamaanka cusub ee 11aad.

“Alle ha unaxariisto Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi, wuxuu ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ee dhawaan lagu doortay Kismaayo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa qoraal ku sheegay “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka JFS, Dowladda Jubbaland, shacabkeeda iyo guud ahaan eheladii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow. Marxuumka Alle janadii ha geeyo, ehelkiisana samir iyo iimaan.”

Xildhibaan Kuulow ayaa ka mid ahaa shan Xildhibaan oo 22-kii February lagu doortay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubbaland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com