Xildhibaankii ugu horeeyay oo ka baxay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad

Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow oo ka tirsanaa Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayaa gelinkii dambe ee maanta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xildhibaan Kuulow ayaa ka mid ahaa shan Xildhibaan oo 22-kii bishii hore ee February lagu doortay Magaalada Kismaayo, isagoona ku guuleystay kursiga uu tirsigu ahaa #HOP079.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Xildhibaanka.

“Maxamuud Muxumed Kuulow, waxaa si weyn loogu xusuusta doorkii uu ku lahaa shaqooyinka muhiimka ah ee Dowladda Jubbaland qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan arrimaha bulshada oo uu si weyn uga dhex muuqday.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa eheladii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday marxuumku, isagana waxaan Alle uga baryayaa inuu janadii fardowso ka waraabiyo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Xildhibaan Kuulow ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay ee ka baxa Baarlamaanka 11aad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com