Alcadaala oo doorashada uga tanaasulay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa

Cabdiraxmaan Alcadaala oo u tanaasulay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa

Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala), Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay tartanka doorashada ee kursiga uu tirsigiiu yahay #HOP069.

Kursigan oo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa mar kale doonaya in dib loogu soo doorto kursigaasi.

“Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa adeerkay Abdurahman Mohamed Hussein oo noqonaya Xildhbaanka i matali doona afarta sano ee soo socota, Insha’Allah.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Alcadaala.

Alcadaala ayaa qoraal uu goor dambe oo xalay ahayd soo saaray ku sheegay “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan saaxiibadii muddada ka badan labada sano igala shaqaynayay ololahayga. Waxaan kale oo u mahadcelinayaa dhammaan taageereyaashayda kala duwan, oo aan leeyahay waad mahadsan tihiin.”

Qoraalkiisa ayuu ku soo geba-gabeeyay “Halganku wuu soconayaa, Insha’Allah, dhammaanteen waan guulaysanay. Gacmaha ayaan is qabsanaynaa, horey ayaanan u soconaynaa, Insha’Allah.”

Xildhibaan Odawaa oo ka falcelinayay mowqifka Alcadaala ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta wiilkayga Abdirahman Yusuf Omar, sida sharafta iyo xurmada leh ee uu iigu tanaasulay. Waxaan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan, anoo ballanqaadaya inaan gacmaha is qabsano, si aan ugu adeegno bulshadayna.”

Alcadaala ayaa go’aankiisan ku dhawaaqay, ka dib markii uu xalay Xildhibaan Odawaa ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa 8-dii bishan shaaciyay jadwalka doorashada ee kursigan, oo deegaan doorashadiisu tahay Magaalada Gaalkacyo.

Tartanka doorashada ee kursigan ayaa xilligaasi loo arkayay kiisii ugu adkaa, ee ay qaban doonaan Guddiga Doorashada Galmudug, ka dib doorashada kursiga #HOP060 oo 6-dii bishan ay ku guuleysatay Qaali Cali Shire, oo tartanka kaga adkaatay Ubax Tahliil Warsame oo sagaalkii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay kursigaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com