Doorashada Garbahaarey oo madax wareer ku riday Ra’iisal Wasaare Rooble

Is mari-waaga ka taagan doorashada ay tahay in lagu qabto Magaalada Garbahaarey ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee xilligan uu wajahayo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Garbahaarey oo ah deegaan doorashada 2aad ee Jubbaland ayaa waxaa yaala 16 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Maamulka Gobolka Gedo oo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia ayaa si buuxdo isku hortaagay inay magaaladaasi yimaadaan guddigii uu Ra’iisal Wasaaruhu u magacaabay in ay soo qiimeeyan xaaladda Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay, sidii guddigaasi ku teggi lahaayeen Magaalada Garbahaarey ayaa haatan u muuqdo mid quus ka muujinaya, haddii aanu albaab kale u furmin.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Rooble uu Khamiistii Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga, Larry André u sheegay inay caqabad ka haysato doorashada Garbahaarey.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu Safiirka Mareykanka ku wargeliyay inaanan magaaladaasi lagu qaban karin wax doorasho ah, bacdamaa waqtigii lagu heshiiyay in doorashada golahaasi lagu soo geba-gabeeyo ay ku egtahay 15-ka bishan.

Ma cadda tallaabada xigta ee Mareykanka uu qaadi doono, inkastoo uu dhawaan sheegay inay xayiraado ku soo rogayan kuwa caqabadda ku ah habraaca doorashada dalka.

Si kastaba ha-ahaatee Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mar kale qarka u saaran in dib u dhac uu ku yimaado.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com