Koonfur Galbeed oo shaacisay kuraastii ugu dambeysay ee lagu dooranayo Baydhabo

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa maanta shaaciyay jadwalka 7-dii kursi ee ugu dambeysay ee doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Baydhabo.

Tirsiga kuraastan ayaa kala ah #HOP181, #HOP204, #HOP197, #HOP179, #HOP164, #HOP172 iyo #HOP047.

Sida ku cad jadwalka kuraastan ayaa waxaa doorashadooda la qaban doonnaa 15-ka bishan, oo ku beegan maalinta la muddeeyay in lagu soo geba-gabeeyo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Koonfur Galbeed oo ay yaallaan 69 kursi ayaa horey loogu doortay 62 kursi, oo 11 ka mid ah ay dumar ku soo baxeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com