Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dalka Ukraine

Dagaalka saddexda toddobaad ka soconayo dalka Ukraine ayaa wiiqay hannaankii dowladnimada ee dalkaasi, iyadoona ay meesha ka baxeen adeegyadii dowliga ahaa, ee ay dowladda dalkaasi bixin jirtay.

Ciidamada Ruushka ayaa sii wada gulufka ka dhanka ah Maamulka Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy. Moscow waxay sheegtay in ay hubka ka dhigeyso Kiev.

Duqaymaha xoogga leh ee Ciidamada Ruushku ka wadaan magaalooyinka dalkaasi ayay xilliyada qaarkood waxyeelo ka soo gaareysaa goobaha danta guud, oo ay ka mid yihiin isbitaalada, goobaha waxbarashada iyo goobaha rayidku degan yahay.

Sergei Orlov, Kuxigeenka Duqa Magaalada Mariupol ayaa sheegay in go’doominta daran ee lagu hayo magaalada dekedda leh ee Mariupol ay u sii dheer tahay beegsiga lagu hayo isbitaalada.

“Isbitaalkii 3aad ayay ka burburiyeen magaalada, maalin dhaweyd waxay burburiyeen isbitaalka 9aad.” Ayuu yiri Kuxigeenka Duqa Mariupol oo intaasi ku daray “Sidoo kale waxa ay burburiyeen bankigii dhiigga ee Mariupol.”

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa ku celceliyay in Ruushka uu dalkiisa ka gaysanayo dembi dagaal, ayna tahay in caalamka uu kula xisaabtamo.

Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada Ruushka ay dalkaasi ka wadaan duqayn aan kala joogsi lahayn.

“Ruushku wuxuu si aan kala joogsi lahayn uu u duqaynaya dadka rayidka oo qaarkood qaxaya, waxa uu is hortaag ku sameeyay dad naftooda kala baxsanaya xaaladda ciqaabta ah, ee ay abuureen.” Ayuu yiri Blinken.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa waxaan macno la’aan ku tilmaamay dagaalka ka sii socda dalkaasi, isagoona waddada keliya ee faran ku sheegay wada hadalka iyo diblomaasiyadda.

“Dagaalka aan macnaha lahayn ee ka socdo dalka Ukraine waxa uu u keynaya dhimasho, dadkiisuna wuxuu gelinaya khatar badan oo soo food saartay gobolka iyo dunidaba.” Ayuu yiri António Guterres.

Waxa kaloo uu yiri “Dagaalkan waxa uu carqaladeynaya dhaqaalaha caalamka oo haddaba ay saadaal xumo soo food saartay, waxaana intaasi u sii dheer halista hubaal la’aanta iyo xiisadda sii xoogeysanaysa. Hal waddo oo keliya ayaa furan, taas oo ah wada hadalka iyo diblomaasiyadda.”

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in, in ka badan laba milyan iyo bar oo shacabka reer Ukraine ah lagu khasbay inay ka cararaan guryahooda, ayna qaarkood gaareen wadamada deriska la ah dalkaasi.

Ma cadda goorta uu soo geba-gaboobi doono dagaalka Ukraine, waxayse khubarada sheegayaan in dagaalku sii socon doono, illaa iyo inta ay Ukraine ka aqbaleyso waxa uu Ruushku doonayo, oo ah inaanay ka mid noqon Midowga Yurub, Gaashaanbuurto NATO iyo inay ka tanaasusho Gobolada Donetsk & Luhansk ee bariga dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com