Golaha Wasiirada oo ansixiyay miisaaniyad rubac sanad ah (SAWIRRO)

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda 3-da bilood ee soo socota. Miisaaniyadan oo mid KMG ah ayaa waxaa golaha horkeenay Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Golaha Wasiirada ayaa si buuxdo u ansixiyay miisaaniyadan oo cadadkeeda uu dhan yahay $ 206,474,223, waxaana loo qoondeeeyay in lagu fuliyo howlaha dowladda ee billaha April, May iyo June ee sanadkan, si aysan hakad u gelin howlaha dowladda, maadaama dalka uu ku jiro xilli doorasho.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble oo shir guddoominayay kulankan ayaa lagu meelmariyay miisaaniyadda rubac sanadka.

Wasiir Beyle oo faah faahinayay waxa ay tahay miisaaniyadan ayaa yiri “Sidaad u ogtihiin miisaaniyaddii sanadkan way u suurtageli weyday Xildhibaanada inay isku yimaadaan oo ay ansixiyan, sidaa daraadeed sida uu noo ogolyahay sharciga maaliyaddu 3-dii bilood ee sanadkan u horeeyay, laga soo bilaabo bishii koobaad (January) illaa bishan March 31-keeda, waxaa sharcigu noo ogolyahay inaan isticmaalno 3 bilood oo ka mid ah sanadkii ina dhaafay ee 2021, maadaama iminka aan geba-gabo ku jirno 3-dii bilood ee u horeeyay, lagana yaabin inuu baarlamaan farriisan karo maanta illaa dhowr iyo tobanka cisho ee haray, waxaa la isla gartay in 3 bilood loo keeno Golaha Wasiirada, ka doodaan, dabeedna inay xaalad degdeg ahaan u ansixiyan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com