Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maanta qabtay doorashada 2 ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo, iyadoo saacadaha soo socdana uu qorshuhu yahay inay qabtaan doorashada kursigii 3aad.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta dib loogu soo doortay kursigii uu ku fadhiyay, oo tirsigiisu ahaa #HOP069.
Kursiga #HOP038 oo ay ku tartameen afar musharax ayaa waxaa markii dambe 51 cod ku guuleystay musharax Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad).
Kursiga 3aad oo caawa lagu wado in lagu doorto Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa inay ku tartamaan dhowr musharax. Tirsiga kursigan ayaa ah #HOP095.
Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada 2aad Galmudug, ayna yaallaan 11 kursi ayaa toddobaadkii hore lagu doortay shan kursi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com