Ciidamada Militariga Ruushka ayaa maanta duqayn xoogan ka gaystay galbeedka fog ee dalka Ukraine, waana meel ku dhow xuduudda dalka Poland.
Militariga Ruushka ayaa bartilmaameedsaday Xerada Tababarka Ciidamada ee Yavoriv, taa oo kol hore ay Ukraine u adeegsan jirtay dhoola-tusyada wadajirka ah, ee ay la sameynayso Gaashaanbuurta NATO.
Muuqaalo laga soo qaaday xeradaasi ayaa muujinaya in Ciidamada Ruushka ay gebi ahaanba burburiyeen xeradaasi, uuna isa soo tarayo khasaaraha nafeed ee weerarkaasi ka dhashay.
Saraakiisha Ukraine waxay sheegeen in 35 qof ku dhimatay duqayntaasi, halka 134 kalena ay ku dhaawacantay, isla-markaana uu khasaaraha dhimashada intaasi ka badan karo.
Saraakiisha ayaa sheegaya in Ciidamada Ruushka ay illaa 30 gantaal ku dhufteen Xerada Yavoriv, oo ku taala Magaalada Lviv.
Oleksii Reznikov, Wasiirka Difaaca Ukraine ayaa sheegay in tababareyaal ajaaniib ah ay ka shaqeynayeen xeradaasi, wax macluumaad ahna aysan ka hayn, haddii xilligii duqaynta dhaceysay ay ku sugnaayeen iyo in kale.
Duqa Magaalada Lviv, Andriy Sadovyy ayaa sheegay inaysan Ciidamada Ruushka u suurtageli lahayn in duqayntan gaystaan, haddii Midowga Yurub uu kol hore xiri lahaa hawada Ukraine.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya, maalin uun ka dib, markii Ruushka uu sheegay inay si dhow ula socdaan kolonyo hub sida oo ka yimid galbeedka, kuna soo wajahan Ukraine. Moscow waxay sheegtay inay sharci u leedahay burburinta kolonyada hubka sida.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergei Ryabkov ayaa sheegay in Mareykanka ay uga diggeen hubka ay Wadamada Reer Galbeedka u soo gudbinayan Dowladda Ukraine, ayna u sheegeen sharciga uu militarigooda u haysto bartilmaameedyada kolonyadaasi.
Weerarkan oo noqonayo kiisii ugu horeeyay ee Ruushka uu ka gaysto meel ku dhow xuduudda Poland ayaa lagu macneeyay mid uu kaga hortagayo qorshaha Reer Galbeedku ay hubka ugu soo dusinayaan Ukraine, iyadoona uu weerarkan dareen ku dhaliyay Reer Galbeedka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com