Wariye American ahaa oo lagu dilay dalka Ukraine

Wariye u dhashay dalka Mareykanka ayaa maanta lagu dilay Magaalada Irpin, oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Kiev.

Brent Renaud ayaa u geeriyooday rasaas ay ku furayn Ciidamada Ruushka, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska ee Ukraine.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Kiev, Andriy Nebytov ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay dileen ninka Wariyaha, halka laba Saxafi oo kalena ay dhaawaceen, kuwaa oo loo qaaday goobaha caafimaadka.

Juan Arredondo oo ka mid ah labada Wariye ee dhaawacmay ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay rasaaseeyeen, ka dib markii ay ka gudbeen bar kontorool, kuna sii jeedeen buundo kale oo magaaladaasi ku taala.

“Inagoo ku sii socono buundada kale oo aan ka gudubnay bar kontorool ayay rasaas nagu bilaabeen.” Ayuu yiri Juan Arredondo oo intaasi ku daray “Saaxiibkay Brent Renaud waxaa laga toogtay qaybta dambe ee qoorta.”

Brent Renaud oo 50 jir ahaa, ahaana filim sameeye ayaa horey uga soo shaqeeyay Wargeyska New York Times.

Waa Wariyihii ugu horeeyay oo ajnabi ah oo lagu dilo dalkaasi Ukrane, tan iyo markii uu Ruushku weeraray, muddo 18 maalmood laga jooggo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com