Qiyaastii saddex milyan oo qof oo ku noollaa Magaalada Kiev ayaa isaga barakacay magaaladaasi, ka dib markii Ruushku uu si weyn u hareereeyay magaaladaasi.
Magaalada oo haawaneysa ayaa la soo sheegaya in ay ku hareen dadka madaniga ee hubka qaatay iyo Ciidamada Ukraine, ee afaafka hore ee magaaladaasi kula dagaalamaya Ciidamada Ruushka ee wata dabaabaadka dagaalka. Saraakiisha Ukraine waxay sheegeen inay jiraan dad fara ku tiris ah oo da’ u badan oo ku haray magaalada.
Xoogaga wax iska caabinta oo dhuunta u galay Ciidamada Ruushka ayaa ciidamadaasi u diiday in ay si fudud gudaha ugu soo galaan magaaladaasi, inkastoo Ruushku uu horumar gaabis ah ka sameynayo dagaalka.
Xoogagan ayaa si saf mareen ah dhufeysyo uga sameystay gudaha iyo dibadda magaalada, bal si uun ay u joojiyaan duulaanka Ciidamada Ruushka.
Ciidamada Ruushka oo ku sii siqaya magaalada ayaa ka gaysanaya duqaymo culus, iyadoo diyaaradahooda dagaalkana ay bartilmaameedsanayaan barro ku yaala gudaha iyo hareeraha magaaladaasi.
Ciidamada Lugta Ruushka oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka iyo gawaarida ay saaran yihiin madaafiicda goobta ayaa sidii diinkii oo kale ugu sii gurguuranaya magaaladaasi, iyagoona wax ka yar 25km u jira faras-magaalaha.
Muuqaalo cusub oo ay qaadeen Satellite-yada ayaa muujinaya in kolonyo fara-badan oo hor leh ay ku wajahan yihiin magaaladaasi, Ruushkuna uu cuddudiisu isugu gaynayo Caasimadda Kiev.
Warbaahinta Caalamka ayaa warinaysa in Ruushku uu isu diyaarinayo weerar buuxa, oo ay tahay inay kula wareegaan gacan ku haynta magaalo madaxda dalkaasi ee Kiev.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa muuqaal uu Axaddii soo duubay waxa uu ku sheegay inaysan Ciidamada Ruushka si fudud ku qabsan doonin xarunta dalkiisa ee Kiev.
“Ruushka wuxuu haatan diyaarinayaa boqolaal kun oo askari, kuwaa oo wata boqolaal kun oo taangi amaba baabuurta gaashaaman, waxayna soo geli doonaan Kiev, taasi waan ognahay, laakiin waa haddii ay duqeeyan magaalada oo ay baabi’iyan, ayna baabi’iyan taariikhda gobolka & Kiev iyo guud ahaan taariikhda Yurub.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa yiri “Haddii ay na laayaan dhammaanteena waa ay soo geli karaan, haddii taasi ay tahay ujeedadooda dabcan ha soo galaan, balse ugu dambayntii dhulkan iyaga oo keliya ayaa ku noollaan doona, oo inagu lama noollaan doono, mana arki doonaan qof iyaga saaxiib la ah oo inaga naga mid ah.”
Kiev oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu kobaca iyo horumarka wanaagsan ee Qaaradda Yurub ayaa hadda waxaa ka muuqanaya dib u dhac iyo burbur baaxad leh.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com