Is mari-waaga siyaasadeed ee hareeyay kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Garbahaarey ayaan weli wax xal ah laga gaarin, iyadoo uu maanta ku egtahay xilliga lagu heshiiyay in lagu soo geba-gabeeyo Doorashada Xildhinaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Loolanka awoodeed ee u dhaxeeya Villa Somalia iyo Jubbaland ayaa horseeday inaanay xitaa magaaladaasi ka bilaaban ololaha iyo u diyaargarowga doorashada 16-ka kursi ee yaala deegaan doorashada 2aad Jubbaland ee Garbahaarey.
Maamulka Gobolka Gedo ayaa si buuxdo isu hortaagay inay magaalada yimaadaan Guddiga Qiimeynta Xaaladda Garbahaarey, ee 28-kii bishii February uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Maamulka Gedo ayaa diidmadooda u sababeeyay, iyadoo guddigaasi aanu qayb ka ahayn heshiiskii 17-kii September (2020) ee ku qotomay arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Tallaabada uu Rooble ku soo magacaabay guddigaasi ayaa ka dambeysay, ka dib markii Jubbaland ay walaac ka muujisay inaysan doorashada ka qaban karin Garbahaarey, sababtuna tahay ciidamada Villa Somalia ay gaysay magaaladaasi in ay caqabad ku yihiin hufnaanta doorashadaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Axmed Buulle Maxamed Gareed oo ka hadlayay sababta ay u diidan yihiin guddigan ayaa yiri “Anaga iyo shacabkaba waan diidanahay guddigaas, sababta aan u diidanahay, sabab cad weeye. Guddigan guddi heshiis ku jiro ma’aha.”
Gudoomiyaha Gobolka Gedo waxa kaloo uu sheegay inay xitaa diidan yihiin Abukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey), La taliyaha Dhinaca Sharciga ee Ra’iisal Wasaaraha, oo sidoo kalena ah Gudoomiyaha Guddiga loo diray inay soo qiimeeyan xaaladda magaaladaasi.
“Ra’iisal Wasaaraha waan kala hadalnay guddigan, maadaama uusan heshiiska ku jirin, qoraal baan u sameynay, odayaashii baa la hadlay, wuuna naga qancin waayay waxa uu guddigan yahay, marka waxaan uun dhaafin weynay, waa guddi qiimeyn ah, marka maxaa Garbahaarey laga soo qiimeynaya?” Ayuu yiri Gudoomiye Gareed.
Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa qabtay inta badan doorashada kuraasta Golaha Shacabka, oo ka kooban 275 Xildhibaan, iyadoona illaa iyo hadda la doortay 226 Xildhibaan, oo 45 ka mid ah ay dumar yihiin.
Kuraasta ugu badan ayaa waxay weli baaqi ku yihiin Dowlad Goboleedka Jubbaland, oo iyadu aan weli wax doorasho ahi ka qaban Magaalada Garbaaharey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Doorashada Golaha Shacabka ayaa ka gudbi la’ khilaaf aan dhammaad lahayn, taa oo rajo xumo ku ah shacabka Soomaaliyeed.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com