Galmudug oo soo geba-gabeysay Doorashada Golaha Shacabka (SAWIRRO)

3-dii kursi ee ugu dambeysay ayaa galabta lagu doortay Magaalada Gaalkacyo ee deegaan doorashada 2aad Galmudug, iyadoo 2 ka mida kuraastaasi ay gabdho ku soo baxeen.

Kursigii 1aad oo tirsigiisu ahaa #HOP018 ayaa waxaa ku guuleysatay gabar lagu magacaabo Sahra Colaad Cabdi, ka dib markii ay u tanaasushay Nimco Cabdi Maxamuud.

Xuseen Axmed Culusow ayaa ku guuleysatay kursigii xigay oo tirsigiisu ahaa #HOP021, markii ay u tanaasushay gabadhihii lagu waday inay la tartanto oo lagu magacaabo Yaasmiin Yaasiin Xasan.

Shamso Cilmi Xasan ayaa noqotay gabadhihii ugu dambeysay ee lagu doorto Magaalada Gaalkacyo, iyadoona ku guuleysatay kursiga #HOP020. Kursigan waa midkii laga hor istaagay inuu u tartamo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe).

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa qabtay oo soo geba-gabeeyay doorashada dhammaanba 37-kii kursi ee yaalay Dowlad Goboleedka Galmudug.

Tani ayaa wadarta guud kuraasta Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay ka dhigeysa 236 kursi, oo 49 ka mid ah ay dumar ku soo baxeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com