Jubbaland oo soo saartay jadwalka doorashada 16 kursi

Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa caweyskii caawa shaaciyay jadwalka doorashada 16 ka mid kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbbaland.

Warqadda Guddiga Doorashada laguma sheegin goobta lagu qaban doono doorashada kuraastaasi, balse waxay sheegeen in muddo laba toddobaad gudahood ah ay ku qaban doonaan doorashadaasi.

Warqadan waxay imaanaysaa saacado uun ka dib, markii Guddiga Doorashada Jubbaland ay soo saareen jadwal doorashada 4 kursi, oo lagu dooran doono Magaalada Kismaayo.

Magaalada Garbahaarey ee deegaan doorashada 2aad Jubbaland waxaa yaala 16 kursi, mana cadda xilliga la qaban doono doorashada kuraastaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com